Month: October 2018

Dib u xasuuso maalintii Soobe!


Octoobar 14, 2017. Waxa sannad ka soo wareegay qaraxii weynaa ee ka dhacay isgoyska Soobe ee kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ay fuliyeen. Sidii la wada ogaa waxa ku dhintay dad ku dhow afar boqol oo ruux (400), boqollaal kalena way ku dhaacawmeen._98321048_a027a04e-bee4-4ab8-b35b-f6e16b4216ce

Marnaba waxa aan la hilmaami doonin, maskaxda ummada soomaaliyeedna aan ka bixi doonin masiibadii iyo qasaarihii meesha ka dhacday, iyo argagixii bulshada soomaliyeed oo dhan ku habsaday. Qaraxyadu kala xanuun-badane, argagixisada Alshabaab waxa ku maqan dhakhaatiirtii da’yarta ahayd ee dalka u soo kacaysay ee ay maalintii qalinjabintooda ku gumaadeen huteelka Shaamow, sannadkii 2009, bishii diisambar labadeedii.

_98321563_5050920d-db3e-4f9b-a475-c3a53333ece9

Alshabaab waxa dad soomaaliyeed gacantooda ku baxay lama soo koobi karo. Inta ay dhaawac iyo dhibaato ummada u gaysteeni waa mid aan la illoobi doonin. Alshabaab waa mid ka mid ah mashaakilka ku gudban in ay dawladnimada soomaaliya hanaqaaddo. Waa kansar halis ah oo haddii aan la iska dabargoyn soomaalidu aanay horumar ka samayn doonin.

Waxan halkan mar kale uga ducaynayaa boqollaalkii wax-ma-galabsada ahaa ee maalintaas goobta ku naf waayay. Eheladoodiina waxan leeyahay Samir iyo iimaan alle ha idinka siiyo. Aamiin

Sannad-guuradii 6aad


Waxa ka soo wareegay 6 sano asaaskii bartayda Aleel999.wordpress.com. waxaan u mahad celinayaa walaalaha ku xidhan ee mar walba faallooyinka quruxda badan, mahad-naqa, bogaadinta iyo dhiiri-gelintaba leh ii soo qora.

Nasteexo


Balaayo ninkii aloosa
Buulkisay ugu gashaa
Billaawe ad soo afaysay
Mar buu boqontaa jaraa
Booraan hadimo ah nin qoday
Baxarka isagaa ku dhaca
Barbari beereey gubtaa
Bartii la wareemay iyo
Waxay boogtuna dhibtaa
Bugtadu ninka ay ku taal
************************
Wuxuu hadal baaqi yahay
Beerkaaga intuu ku jiro
Hadduuse afkaa ka baxo
Biglaha orodkiisa iyo
Bidhiisa ma gaadhidoo
Baadiyo magan baad u tahay
*************************
Adoo bowdada ka jabay
ninkii kugu dhaafay bacad
Baxnaano adoo ka raba
Markuu waayuhu barkado
I baano hadduu yidhaa
Buruud ha u sheegan oo
Bannaan cidla ha uga tagin
Wuxuu bari kugu gafiyo
Ha baayicin ceebihiis
*************************
Ha beegsan nin aad is tidhi
Boggiisaad hanan kartaa
Badheedh cidna ha u makalin

Kaynuun Cismaan Cumar