Nasteexo


Balaayo ninkii aloosa
Buulkisay ugu gashaa
Billaawe ad soo afaysay
Mar buu boqontaa jaraa
Booraan hadimo ah nin qoday
Baxarka isagaa ku dhaca
Barbari beereey gubtaa
Bartii la wareemay iyo
Waxay boogtuna dhibtaa
Bugtadu ninka ay ku taal
************************
Wuxuu hadal baaqi yahay
Beerkaaga intuu ku jiro
Hadduuse afkaa ka baxo
Biglaha orodkiisa iyo
Bidhiisa ma gaadhidoo
Baadiyo magan baad u tahay
*************************
Adoo bowdada ka jabay
ninkii kugu dhaafay bacad
Baxnaano adoo ka raba
Markuu waayuhu barkado
I baano hadduu yidhaa
Buruud ha u sheegan oo
Bannaan cidla ha uga tagin
Wuxuu bari kugu gafiyo
Ha baayicin ceebihiis
*************************
Ha beegsan nin aad is tidhi
Boggiisaad hanan kartaa
Badheedh cidna ha u makalin

Kaynuun Cismaan Cumar

Leave a comment