Nolosha guurka soomaalida:


Guurka hadaan si guud u macnayno wuxu noqonayaa; midayn la midaynayo laba nafood oo jinsi kale duwan leh, ama waa hab ilaahay ugu talo galay inay isku xalaashadaan labka iyo dhidigu. Guurka ujeedooyin badan ayaa laga leeyahay, waxa kamida

1.in qofku helo meel dareenkiisa raganimo ama dumarmino la aado si waliba xalaal ah

2.in uu qofku saaxiib dhah oo uu nolosha la wadaago samaysto. Saaxibka dhabta ahina waa qofka noloshaada ugu muhiimsan

3.iyo in la ilaaliyo jiritaanka dadka si loogu helo badal kuwa dhinta

Aduunka waxa ku nool umado farabadan kuwaas oo dhaqano kala duwan leh. Guurka waa laga wada siman yahay marka si guud loo eego, oo labadii qof noocay doonaan ha isku guursadaane nolol ayay dhistaan. Kaasina wax la yidhaa qoys, aduunkuna uu ka simanyahay. Laakiin waxan jecelahay inaan yara bildhaamiyo dadku way is guursadaane, side ayay u dhaqmaan marka ay is guursadaan?. Intee in leeg ayaa fiican in nolosha guurka laga qaato?.Diintu se maxay ka qabtaa inaad nolosha macaanayso?.. waxan filayaa inay tahay wax yaabaha lagu kala duwanyahay.

Hadaan usoo laabano dhinaca soomaalida; wali ma is waydiinay tayada nolosha guurka soomalida, dadka soomalidu ma ka qaataan nolosha in ku filan?..bal ila eega sida nolosha guurka soomalidu aniga iila muuqdo..

Barigii hore nolosha soomalidu waxay ahayd mid aad u adag oo jiljilaycu ku yaryahay; nolol baadiye, xoolo ama beer, hawsha oo aad u badnayd ayaa waxay nolosha guurka ka dhigtay mid aan raaxo badan lahayn. Wakhtigii hore marka ay laba qof is guursadaan maxaa dhici jiray?. waxa dhici jiray in marka labadii qof guri la iskugu geeyo ay noloshoodu ahayd mid dadku wada garanayo sida loo dhaqmi jiray. ninku waxa uu u bixi jiray hawl, inuu beer falo maalintii oo dhan kadibna habeenkii soo hoydo, ama inuu xoolo raaco maalin oo dhan. Gabadhuna inay hadhuudh tunto ama ay cunto diyaariso maalin oo dhan, maqashii guriga laga tagay ka war hayso, ama ay caano lusho. Markaa maalin oo dhan la isma arki jirin waayo waa laka maqanyahay. Wakhtiga kaliya ee guriga la isku arki jiray waxay ahayd habeenkii, taasi lafteedu waxay ahayd in gabadhuna ay casho diyaariso taas oo wakhti dheer qaadanaysa, ninkuna uu xoolaha xerayntooda iyo ka lisidooda ku mashquulo. Sidaa darteed labada qof wakhtiga hurdad ayaa la isku garab dhici jiray iyaga oo labada dhinacba daal ka muuqdo. Hadii uu ninku wakhti helo waxa jirtay inuu ciyaar iyo hello doonto, habeenka oo dhan ayuu ku maqnaan jiray. laakiin inta badan gabadhuhu markay guursadaan ciyaaraha way ku yaraayeen. Noloshaa adag iyo dhaqankaasi wuxuu keenay inay labadii qof wakhtiba isku helin. Waxaan dadka maqlay oday soomali ah oo xaaskiisa u tagay sideed jeer wuxuuna dhalay lix caruura. Halkaa waxan ka arkaynaa in aanay labada qof wakhtiba isku helin xataa ay wada sheekaystaan iyaga oo isqaba.

Wakhtigan imika aan ku jirno wali sidii ayaa loo dhaqmaa inta badan, oo waxad mooda inay dhaqan inaga noqotay. Anigu intaan noloshayda xasuusto way yartayahay inaan arkay lamaane soomaliya oo kaligoo meel wada fadhiya. Hadii aad aragto aabaha iyo hooyada oo wada fadhiya guriga waxbaa jira; ama caruurta ayaa dhib samaysay ama arin kale ayay ka hadlayaan. Laakiin soomalida way ku yartahay in lamaanuhu intuu caruurta ka dhex baxo muddo yar wada sheekaystaan. Odaygu subaxii waa iska baxayaa, hooyaduna hawsheeda ayay ku toosaysaa. Marka wakhtiga qadada ay gaadho ayuu odaygu soo laabtaa, markaa ayaa cunto iyo cabitaan loo dhigaa. Waa iska cunaa cuntadiisa kadibna waa iska laabtaa. Qofka dumarkiina markay suuqa kasoo adeegto cuntada ayay ku mashquulsantahay ilaa duhurka laga gaadhayo, kadibna cunto diyaarin ayay ku jirtaa. Sidaa ayay qorraxdu ugu dhacdaa. Waxa la isku yimaadaaba waa habeenkii, waa la casheeyaa kadibna caruurta ayaa sheeko loo qabtaa haday suurta gal noqo.

Nolosha soomalidu waa iska sidaa, inay labada qof gaboobaan iyaga oo laga yaabo inaanay waligood kaftamin ama wakhti fiican isku helin. Waxaad u fiirasataan marka laba qof ay wada sheekaystaan. Wiilka iyo gabadhu aad ayay iskugu sheekeeyaan, lama kala caajiso, qosol iyo kaftan badan ayaa baxa, iyaga oo raba inay sheekada sii wadaan ayaa wakhtigu dhamaadaa. Waa la isku labistaa, barafuun iyo uduga ayaa mid kastaa is mariyaa, qof walbaana waa qurux banayahay. Wakhtigaa sheekada marka aan eegno waa wakhti macaan oo raaxo ka muuqato. Laakiin guurka kadib maxaa dhaca

1.in shaxshaxdii iyo kaftankii badnaa yaraadaan
2.dumarku horta inta aan la guursan ayay aad u labistaan, laakiin marka ay caruur yeeshaan sidii hore way ka duwanyihiin.
3. In dhawrka sanno ee ugu horeeyay uun ninku guriga kusoo ordo, waa inta gabadh ay isku cusub yihiin. Marka ay dhawr caruura dhasho gabadho ninku suuqa iyo sheekada dibada ayuu ku raagaa.
4. Marka kasta oo caruurtu siyaado wakhtigi labada qof ay isku heliyaan ayaa yaraada.

Waxad moodaa in labada qof ee wada sheekaysta ay iskaga xiiso badanyihiin labada is qaba. Taasina dadka soomaalida aad ayay ugu badantahay.waxa kale oo jira in lamaanaha soomaalidu ay nolosha ka qaataan inta ugu yar. Hada markaad u fiirsato, siday u dhaqmaan lamaanaha reergalbeedka ah iyo ka soomaaliga ah farqi wayn ayaa u dhexeeya. Sidaan wada ogsoonahay nolosha guurka ee dunida koowaad waa mid aad uga saraysa dunida saddexaad, soomaalida hadaan barbar dhignana waa kaaf iyo kala dheeri. Taasina maaha inay gaalo yihiin oo waxay doonayaan sameeyaan. Ama diinteena islaamka ayaa ka hoosaysa oo sidan liidata inay lamaanuhu u noolaadaan amraysa. Sababtu diinteena maaha..

Sida la wada yaqaan nolosha lamaanaha dunida koowaad waa sidan:

1.labada qof way is guursadaan guri cusubna inta badan way wada dagaan.

2. halkaa ayay nolosha cusub ka bilaabanaysaa. Inkastoo labada qof ay wad shaqeeyaan wakhti way isku heleyaan.

3. shaqada guriga lama kala laha, in guriga marka la joogo la is caawiyo haday noqoto cunta karinta, dhar dhaqida iyo wixii kale ee guriga laga qabto.

4. waxyaabihii dheera in labada qof ay wada jiifsadaan. sida dhunkashada ama shumiska taas oo aan xad lahayn, inta badana waa wax isk caadi ah dunida markaad eegto.

5. in la wada qabaysto subixii iyo galabkii ama habeenkii marka shaqado laga soo laabto. Ama wakhtiyada qaarkood.
6. In safar yaryar oo dalxiis ah la baxo, kadib buuraha ama meel kale lagu soo qaato maalintaas, cuntada halkaa lagu karsado.

7. in la wada ciyaaro, haday isboorti tahay ama orod lagu tartamo mararka qaarkood.

Way badantahay waxyaabaha inta badan dadka dunida koowaad kunool ay sameeyaan. Laakiin bal aan eegno  side ayuu rasuulku ula dhaqmi jiray dumarkiisa?..nabiga NINKH isaga oo leh dumar badan ayuu hadana nolosha macaanayn jiray. waxa kamida wax yaabaha uu samayn jiray

1.guriga uu kala shayn jiray dumarkiisa, haday noqo cunto Karin iyo haday dhar maydh tahayba. Rasuulkuu NINKH sidaa uu yeeli jiray

2. nabigu NINKH dumarkiisa waa la qabaysan jiray sida ay dumarkiisu alaha ka raali noqdee sheegeen.

3. mararka qaar waa la ciyaari jiray. isaga iyo caa’isha allaha ka raali noqdee wa baratami jireen, oo mar nabiga NINKH ayaa ka badiyay orod, mar dambe oo nabigu NINKH waynaaday ayaa caa’ishana allaha ka raali noqdee ka badisay.

4. nabigu NINKH waa xarago badnaa, aadna uu isku nadiifin jiray haday noqoto jidhkiisa ama dharkiisa. Waxyaaba uduga ah ee la isku carfiyana aad ayuu isku marin jiray. markaa asaxaabtu allaha ka raali noqdee dhamaantood  wa sheegeen arinkaa oo waxay yidhaahdeen ” meel inuu nabigu NINKH fadhiyay waxaan ku garan jirnay carafta meesha. caraftiisa ayaa meesha oo dhan qabsan jirtay.

5. nabigu NINKH waxa uu ahaa qof dadka soo jiita ” attractive”. Inkasta oo uu aad qurux badnaa laakiin aad ayuu isku hagaajin jiray, ilkihiisa, dharkiisa, jidhkiisa intuba way qurux badnaayeen. Hadii la garab fadhiistana waa lagu raaxaysan jiray. dharka kuwa ugu qurux badan ayuu qaadan jiray.

6. dumarkiisa uu la kaftami jiray. gabadhii dhibi ay haysato waa garan jiray waana la xallin jiray. waan shumin jiray dumarkiisa.

Markaad aragto sidii nabigu NINKH u dhaqmi jiray marka la eego nolosha lamaanaha waxaad moodaa in ay reer galbeedku isaga kasoo eegteen. Hadaba sidee ayay inta badan soomaalidu u dhaqmaan. Waa sidan oo kale

1.waa la is guursanayaa, kadib dhawrka sanno ee ugu horeeya ayaa aad la iskugu mashquulaa.

2. marka ay guurka muddo kasoo wareegto waa la kala mashquulaa, odayguna shaqada, gabadhuna reerka iyo caruurta

3. way yartahay sidaan horay usoo sheegay inay labada is qabaa ay caruurta gooni uga yar baxaan mararka qaar. Dhaqankeena maaha.

4. hadii dadku isku arko labada qof oo isla socda waxa la yidhaa ” maanta maxaa isku kiin daray”.

5. dhunkashadu aad ayay u yartahay ama maba jirtaba. Ilayn labada qof habeen kasta ma wada seexan karaan oo awood looma hayo, laakiin shumiska waa shay wax wayn ka tari kara labada qof jacaylkooda ama xidhiidhkooda. Waxa laga yaaba soomalida in laga helo nin aan waligii xaaskiisa dhunkan meeshay dooni jidhka ha noqato. Cagsiguna waa lamid.

6. dhaqan u malihin inay labada qof wada qabaystaan meel qudha.

7. cuntadana la is lama kariyo. Waxa nasiib darro ah in casrigan aan ku jirno ragga qaarkii ay wali aaminsanyihiin in ninku cunto u kariyo xaaskiisa ay tahay qalad. Ama ninku uu yahay doqon naagtiisa ka cabsada.

8. iyada iskaba dhaaf inu ninku dhar u dhaqo xaaskiisa. Taasi in oday soomaaliyeed lagu kari u malayn maayo. Laakiin taasi nabiga NINKH ayaa samayn jiray waliba wakhtigaa aaladahan dharka lagu maydho ma jirin oo gacmaha ayaa lagu maydhi jiray.

9. marka ay gabadhu caruur badan dhasho waxaad moodaa inuu ninku guriga uusan kasoo ag wareegin inta badan, siduu markuu caruuska ahaan jiray guriga ugusoo ordi jiray. laakiin qof dumarka ah mar kasta oo way caruur badan yeelato ama in badan nin isla noolaadaan waxay mudantahay in tixgalin gaar ah la siiyo. Waxa waajib ah in ninku habeenkii waraysto maanta haday wax dhib ahi iyada ku dhaceen, haday caruurta kuwa waawayn dhib u gaysteen ama caasiyeen.. marka guurku sii dheeraadaba xuquuqdu way sii badataa.

10. soomalida oo guurka u aaminsan inay caruur uun ka helaan. Sidaa darteed caruurta ayaa ugu mihiimsan, hooyaduna caruurta ayay ku mashquushaa odayguna markuu soo hoydo caruurta ayuu wakhtiga yaruu haysto ku lumiyaa. Dumarkana waxa loo aaminsanyahay inay yihiin kaliya warshad caruurta soo saarta.

11. waxa kamida waxyaaba guurka soomaaliga raaxada ku yaraynaya gudniinka fircooniga ah ee dumarka lagu sameeyo. Gabadhii ayaa waxay waayaysaa dareenkeedii gabadhnimo,waa gabadh kala dhiman, damaceeda rag ayaa yaraananay oo hadii muddo badan laga maqnaado waxba uma aragto. Sida ay ragga soomaaligu dumarka ku dacaayadeeyaan iyagoo sheegaya dumarka soomaalidu inaanay lahayn dareen dumar. Waxa ka mida hadalada caanka ah sida ” gabadhii iyo ninkii oo wada hurda ayaa gabadhu su’aal iska waydiinaysaa” taasina waxay ku tusinaysaa inaanay gabadhu waxa socda xiiso badan u qabin.

Waxyaabahaa aan soo sheegnay waxay guurka soomaliga ka dhigeen mida ah in raaxada ugu yar laga qaato. Ilaahayna wuxu inoo sheegay in nolosha aduunka qaybtaada aad ka qaadatid. Laakiin qofna weel wayn ayuu darsadaa mid kalena weel yar. Sidaa darteed inta soomaalidu nolosha guurka ay ka qaadaa aad ayay u yartahay, ajarna ku heli maysid sidaa. Laakiin qofka nolosha macaaneeya ayaa ajarkana ilaahay ugu daraa.

Marka dhinaca qoys samaynta laga eego soomaaligu waxay soo galaysaa kuwa ugu sareeyay, sida qoysku isu haysto. Waxanan aad ugua fiicanahay kuwa aduunak koowaad. Laakiin waxan rabaa inaa idin tuso; qofka soomaligii inta uu jinsigiisa kale ka helo oo raaxo guur ah ma u dhigmi kartaa inta uu helo qofka reer galbeedkii?.. su’aashu waa maya, waayo dhaqankeena ayaa inaga sidaa ka dhigay laakiin maaha diinta. Nolosha soomaliduna wali waa tii reer guuraga ahayd ee habeenkii uun la isku imanayay, kadibna dusha la iskaga dhacayay..

3 thoughts on “Nolosha guurka soomaalida:

Leave a comment